MD Farmaajo oo hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

Wararka Maanta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan oo xalay curatay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ummadda Muslimiinta ee jooga dalka iyo dibadda ugu hambalyeeyay bishan Ramadaan, isaga oo sheegay in bishan ay tahay mid barakeysan, loona baahan yahay in laga faa’ideysto.

“Ummadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo dibadda, waxaan leeyahay Ramadaan kariim, bishani waa bil kheyreysan, aa bil barakeysan, oo ay samadu furan tahay, oo loo baahan yahay inaan Alle u noqono, aana ku duceysano inuu Alle naga dulqaado gaajada iyo colaada.” Ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay dhexdooda is cafiyaan, wuxuuna Alle ka baryay in ay nabad iyo caafimaad noogu dhamaato bishan kheyreysan.