Qaad ka dagay Soomaaliya inkastoo Dowladu mamnuucday

Wararka Maanta

Wararka ka imaanaya Soomaaliya ayaa sheegaya in diyaarado sida qaadka Kenya ay ka dageen magaalooyin ka tirsan Soomaaliya inkastoo dawladda federaalka ay si kumeel gaar ah u hakisay duulmaadyadaasi.
Diyaaradahaasi ayaa qaadka geeyay magaalooyin ka tirsan Puntland iyo Somaliland maanta oo lagu waday inay billaabato xayiraad ay qaadkaasi ku soo rogtay dawladda federaalka ah. Way ka gaabsatay dawladda inay sharraxaad ka bixiso sababta ay u mamnuucday duulimaadyada qaadka.
Duulimaadyadaas ayaa saaka ka dagay magaalooyinka Galkacyo, Qardho, iyo Laascaanood.Afhayeen u hadlay xukuumadda Puntland ayaa go’aanka dawladda federaalka ku macneeyay mid aan khuseyn deegaanada Puntland, isagoo intaasi ku daray in maamul gobaleed kasta uu arrimihiisa u madax bannaan yahay.
Wasiirka gaadiidka ee Somaliland Farxaan Adam Haybe, ayaa BBC-da u sheegay in dhammaan diyaaradaha Jaadku isticmaali karaan garoomada diyaaradaha ee Somaliland ku yaalla maaadama buu yiri ”Somaliland ay ka madax banaantahay Soomaaliya”
Ganacsatada qaadka oo BBC-da la hadlay ayaa sidoo kale xaqiijiyay in jaadka ay ka dejiyeen magaalooyinkaasi.
Soomaaliya ayaa waxaa maalintii ka dega dhowr diyaaradood oo sida qaadka laga keeno dalka Kenya, iyadoo Soomaalidu la sheego in ay yihiin dadka ugu badan ee cuna qaadka Kenya.
Kenya ayaa qaadka ay Soomaaliya u dhoofisa waxa ay ka heshaa dakhli aad u badan, iyadoo qoysaska beeraleyda Meru ay si weyn ugu tiirsan yihiin ganacsiga qaadka.

Comments are closed.