Puntland oo fulisay Howlgalo ka dhan ah Al-shabaab

Wararka Maanta

Ciidamada amniga dowlad Goboleedka Puntland ee PSF ayaa howlgal ka dhan ah Al-shabaab ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Buuraha Cal Madow ee maamulkaasi.

Puntland ayaa sheegtay in howlgalkaasi ay uga hortageen weerar kaga yimid dhinca Al-shabaab ee ku sugan Buuraha Cal Madow gaar ahaan Buuraleyda  Warbad iyo Gebidheer,isla markaana ay fashiliyeen weeraradaasi.

Sidoo kale dowlada Goboleedka Puntland ayaa sheegay in weeraraasi Al-shabaab ay la damacsanaayeen Xarumaha  Ciidamada Puntland ay ku sugan yihiin ee ku yaalla Buuraha Galgala waa sida ay hadalka u dhigeen.

Buuraha Galgala ee Gobolka Bari ayaa waxaa ku sugan dagaalamayaal  ka tirsan Al-shabaab,kuwaasi oo mararka qaarkood weeraro ku qaada Ciidamada Puntland ee ku sugan halkaasi.