Paul Scholes Oo Doonaya In Manchester United Iibsato Toni Kroos & Luka Modric

Ciyaaraha

Ciyaaryahankii hore ee Manchester United Paul Scholes ayaa sheegay in kooxdiisa hore ay weli qabaan baahi dhanka khadka dhexe ah, inkastoo £ 89m lacag rikoorka adduunka ah  ku iibsatay Paul Pogba  xagaaga.

kooxdii ​​hore ee Scholes ayaa laga badiyay labadii kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan, waxa uuna sheegay in labada ciyaaryahan ee Real Madrid Toni Kroos iyo Luka Modric ay yihiin nuuca ciyaaryahan ee Jose Mourinho raadinayay.

Kroos ayaa lagu soo waramayay inuu ku dhow yahay inuu ku biiro Man United ka hor inta uusan u dhaqaaqin Real Madrid ka, iyadoo la fahamsan yahay in 20-ka horyaal kooxda heysata horyaalka Premier League ay muddo dheer xiiseyneysay saxiixa Modric.

Man United ayaa isku dayi doonta inay ku soo laabato wadada guusha ee Premier League marka ay u safarto Watford gelinkii danbe ee axadda.

Comments are closed.