Barcelona Oo Dalab Qaaliya Ka gudbinayso Philippe Coutinho

Ciyaaraha

during the UEFA Europa League group B match between Liverpool FC and FC Sion at Anfield on October 1, 2015 in Liverpool, United Kingdom.

Barcelona ayaa isku diyaarineysa inay dalab £ 65 milyan si ay u soo jiidato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Philippe Coutinho xagaaga soo socda, sida lagu sheegay warbixin.

24-sano jirkaan ayaa lala xiriirinayay  kooxo dhowr ah oo yurub ah 12kii bilood ee la soo dhaafay, oo ay ku jiraan naadiga ay xafiiltamaan Barca ee Real Madrid kuwaas oo la sheegay in ay u dhaqaaqayaan.

Coutinho ayaa dhaliyay lix gool oo shankalena ka caawiyay  Reds xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan, laakiin wargeyska Spanish Sport ayaa sheegtay in Liverpool ay dagaal dhab ah u galayaan si ay gacan ugu sii hayaan xidiga reer Brazil dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Waxaa la soo jeediyay in xiddigii hore ee Inter Milan uu bartilmaameed u  yahay kooxda reer Catalan  iyadoo madaxda Barca ay ku  rajo weynyihiin in xiriirka uu la leeyahay ay qaran wadaaga yihiin ee Neymar laga yaabo in uu ku qanciyo kooxda.

Coutinho, ayaa loogu codeeyay Liverpool ciyaaryahankii ugu fiicnaa xili ciyaareedka, waxa uu dhawaan shaaca ka qaaday in uu dareensan yahay farxad iyo degeen nolosha Merseyside saddexdii sano uu la qaatay Reds.

W\D Hafsa Haaji

Comments are closed.