Liverpool Oo Ogolaatay Inay Iibiso Philippe Coutinho Bisha Janaayo

Ciyaaraha

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay aqbashay in Philippe Coutinho uu kooxda ka tagto bisha Janaayo.

Xiddiga reer Brazil ayaa waxaa aad u baadi goobaayay kooxda Barcelona xagaagii dhawaa, laakiin waxaa la rumeysan yahay in Reds ay diiday seddex dalab oo ka yimid kooxda reer Catalan.

Warbixin baahsan ayaa sheegtay in dalabkii ugu sareeyay uu ahaa £ 100m, laakiin kooxda Merseyside ayaa diiday islamarkaana  kubadameeyaha ku sii haysay kooxdeeda, kaasoo saxiixay qandaraas cusub oo muddo dheer ah bishii Janaayo.

Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, inkastoo ay xiiso u qabto Barcelona , Liverpool ayaa heshiis la gaartay Coutinho kaasoo u ogolaan doona inuu ka tago Anfield kooxda Spanish-ka haddii  loo baahdo dalab macquul ah.

25 jirkaan ayaa lix kulan u saftay Reds, waxaana uu dhaliyay seddex gool islamarkaana uu caawiyay dhamaan tartamada xagaagaan.

W/Q Hafsa haji