ONLF oo war kasoo saartay Khilaafka Siyaasadeed ee dowlad deegaanka Soomaalida

Wararka Maanta

War saxaafadeed kasoo baxay ururka ONLF ayaa lagu sheegay in shacabka soomaalida ee ku nool dowlad deegaanka ay xaq u leeyihiin inay ka tashadaan arrimahooda siyaasadda isla markaasna ay ismaamulaan sida uu dhigayo dastuurka Itoobiya iyo xeerarka caalamiga ah.

ONLF waxay sheegtay in shacabka Soomaalida ay heystaan xoriyadda ah cidda ay u dooranayaan inay qabato hoggaanka.

Waxaa ay ugu baaqeen xisbiga haya talada Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo dowladda federaalka inay qaddariyaan rabitaanka iyo sharafta shacabka isla markaasna ay ka hor yimaadaan tallaabo kasta oo khatar gelin kartaamniga iyo danaha shacabka soomaalida.

Bayaanka ka soo baxay Jabhadda Waddaniga Xoreynta ee Ogaadeniya (ONLF) ayaa sidoo kale lagu sheegay in khilaaf kasta oo siyaasadeed lagu xalliyo si caddaalad ah iyadoo lala tashanayo dhammaan dhinacyada ay khuseeyso.

“ONLF waxaa ka go’an xaqiijinta nabadda iyo in maamul dimuqraadi ah uu ka jiro Dowlad Deegaanka Soomaalida,waxaana loogu baaqaya dhammaan dhinacyada siyaasadda inay ilaaliyaan mabaadii’daasi”

ONLF ayaa ugu danbeyntii ka codsaday xisbiga haya talada Dowlad Deegaanka Soomaalida in khilaafka soo kala dhexgalo ay iyagu xalliyaan.