Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay gantaal ridada dheer

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Kuuriyada Woqooyi ayaa riday gantaal , sida laga soo xigtay militariga Kuuriyada Koonfureed.

Waa tijaabadii ugu horeysay ee ay sameeyaan tan iyo markuu xafiiska la wareegay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Gantaalka oo la tijaabiyay Sabtidii wuxuu illaa 500km ku duulay badda dhanka Japan, sida madaxda dalka deriska la ah ee Kuuriyada Koonfureed ay ku warrameen.

FILE - In this Sunday, April 15, 2012 file photo, a North Korean vehicle carrying a missile passes by during a mass military parade in Pyongyang's Kim Il Sung Square to celebrate the centenary of the birth of the late North Korean founder Kim Il Sung. North Korea has moved a missile with "considerable range" to its east coast, South Korean Defense Minister Kim Kwan-jin said Thursday, April 4, 2013 but he added that there are no signs that Pyongyang is preparing for a full-scale conflict. The report came hours after North Korea's military warned that it has been authorized to attack the U.S. using "smaller, lighter and diversified" nuclear weapons. It was the North's latest war cry against America in recent weeks, with the added suggestion that it had improved its nuclear technology. (AP Photo/David Guttenfelder, File)

Maamulka Pyongyang wuxuu sameeyay dhowr tijaabo nukliyer ah sanadkii la soo dhaafay.

Tijaabada joogtada ah ee dalkaas uu ku sameynaayo gantaalaha ridada dheer iyo nukliyerka iyo wararka carada leh waxay digniin u direysaa kana xanaajineysaa dalalka gobolka ku yaalla.

Tijaabada ugu dambeysay waxaa laga sameeyay saldhigga ciidamada ee gobolka Pyongan, ee dhanka gacanta Kuuriya.

Sarkaal ka mid ah militariga Mareykanka ayaa Wakaaladda Reuters ay ka soo xigatay in Washington “ay xaqiijin karto inay heleen gantaal laga soo riday dhanka Kuuriyada Waqooyi”.

Kullan dhanka amniga ah oo degdeg ah ayey Kuuriyada Koonfureed ka yeelaneysaa tijaabadaas ay sameysay Kuuriyada Woqooyi.

Xafiiska Ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa tijaabadaas ku tilmaamay “is muujin dhanka awoodda ah”.

Hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong-un ayaa sheegay bishii Janaayo in dalkiisa uu ku dhowyahay tijaabinta gantaal riddo dheer oo qaadi kara madaxyada nukliyerka.

Xoghayaha difaaca ee Mareykanka James Mattis oo isbuucii tagay booqday Koonfurta Kuuriya ayaa sheegay in is ticmaalka nukliyerka ee Waqooyiga Kuuriya in laga bixin doono “jawaab wax ku ool ah oo xad dhaaf ah”.

Wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in qalabka difaaca gantaalada ay Mareykanka sanadkan dhammadkiisa geyn doonaan Kuuriyada Koonfureed.

Woqooyiga Kuuriya ayaa sanadkii tagay sameysay shan tijaabo oo nukliyer ah.

Waxay sheegtay inay hadda awoodda inay weerar nukliyer ay ku qaadi karto dhulka Mareykanka.

Laakiin khubarada ayaa muujinaya shaki ah in awood tiknolojiyadda ee dalkaas inay heerkaa gaarsiisan tahay.