Ciidamada Amniga oo gacanta ku dhigay nin Qarax ku xiray gaari Shacab

Wararka Maanta

Qarax gaari lagu soo xiray oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Maka al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Gaariga qaraxa lagu dhajiyay ayaa ahaa nooca Raaxaada,waxaana uu qarxay xili uu yaallay Shineemo Soomaali ah oo u dhaw Isgooyska Shaaqallaha ee Wadada Maka al-mukarama ee Muqdisho. Qaraxa gaariga ayaanan waxyeelo geysan marka laga reebo burburka gaariga.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa durbadiiba gaaray inta uusan qaraxu dhicin, kadib markii ciyaal goobta gaari ku dhaqayey ay ciidanka ku wargeliyeen in nin qarax ku xiray gaariga.

Ciidamada ay xiray Ruuxii la sheegay inuu gaariga qaraxa ku dhajiyay, waxaana la tilmaamay in loo waday mid ka mid ah Xarumaha Booliska Soomaaliya si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.

Gaariga ayaa qarxay daqiiqado kadib, markii la qabtay ninka, gaarigan ayaa waxaa la sheegay inuu lahaa mid ka mid ah shaqaalaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.