Madaxweynaha Eritrea Oo Booqanaya Dalka Jabuuti

Wararka Maanta

Madaxweynaha Dalka Eritrea Isaias Afwerki, ayaa lagu wadaa in uu booqasho ku tago dalka ay deriska yihiin ee Jabuuti oo ah dal ay muddo dheer ka dhaxeyso xurguf dhinaca dhulka ah.

Wasiirka arrimaha dibadda  Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa wareysi uu siiyay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu ku sheegay in Isaias Afwerki uu booqanayo Jabuuti sida ugu dhaqsiyaha badan sidoo kalena uu Madaxweynah jabuuti isna booqan doono Dalka Eritrea.

Labada Madaxweyne ayaa ku kulmay Dalka Sucuudiga Bishii September ee la soo dhaafay waxaana socda wadahadal lagu doonayo in dib loogu soo celiyo xiriirka labada dal, sidoo kalena ay wada xaajood uga galaan, colaadda la xiriirta Muranka Jasiiradda iyo maxaabiista la kala heysto.

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in isaga uu la kulmay dhiggiisa Eritrea, kalsoonida iyo xalka labada dalna ay si wadajir ah uga shaqeynayaan labada dhinac.

Yuusuf ayaa wareysiga uu siiyay Anadolu Agency ku bogaadiyay dadaalka Ra’isalwasaaraha Itoobiya ee Abiya Axmed oo uu ku doonayo in xal waara loogu helo Gobolka Geeska Afrika.

Waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in xiriirka Jabuuti iyo Eritrea oo tan iyo 1980kii aan hagaagsaneyn uu hadda rajo leeyahay islamarkaana ay u dhowdahay in labada dal ay heshiis rasmi ah ka gaaraan muranka dhinaca dhulka ah iyo Maxaabiista dagaalka ee ay kala heystaan.