Nin ka tirsan Shaqaalaha Dowladda oo lagu dilay Muqdisho

Wararka Maanta

Rag hubeysan ayaa saakay waaberigii waxa ay Xaafada Haanta-dheer ee degmada Deyniile e Gobolkan Banaadir ku dileen Nin ka tirsanaa Wasaaradda diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya.

Ninkaan ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Oongooye, waxaana dilkiisa xaqiijiyay Wasiirka Wasaaradda diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan,isaga oo uga tacsiyadeeyay qaraabadii iyo eheladii uu ka geeriyooday.

Raggii ka dambeeyay dilkaas ayaa Goobta ka baxsaday, sidoo kale Marxuumkan ayaa ka shaqeeyanayey qaar ka mid jaamacadaha magaalada Muqdisho.