Natiijada Doorashada Guddoonka Barlamaanka Jubbaland

Wararka Maanta

Doorashada Guddoonka Barlamaanka 2aad ee Jubbaland ayaa maanta ka dhacday magaalada Kismaayo xarunta kumeelgaarka ah maamulka Jubbaland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka 2-aad ee  Jubbaland waxaa markale loo doortay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo helay 55 cod, halka musharixii la tartamay Xuseen Shiinow ayaa helay 18 cod.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Jubbaland waxaa isku soo sharaxay hal qof oo ah Xildhibaan Aadan Khaliif, waxaana loogu codeeyay gacan taag 72 cod ayuu helay, waxaana ka aamusay 1 xildhibaan.

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Jubbaland waxaa loo doortay Cabdi Baaleey Xuseen wuxuuna helay 73 cod, waxaana tanaasulay musharixii la tartamayey.