Nin rayid ah oo Xalay lagu dilay Magaalada Galkacyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug gaar ahaan xaafada Garsoor ayaa waxaa xalay lagu dilay mid ka mid ah shacabka gobolka Mudug, sida ay sheegeen masuuliyiinta gobolka.

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay in ay ku hor dileen Ninkan rayidka ah Hotel Kulmiye oo ku yaala Agagaarka Dugsiga Hoose Dhexe ee Ummadda magaalada Gaalkacyo, iyaga oo ka toogtay qeybaha sare ee jirkiisa.

Ninka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Caseeyo Cirro, kana mid ahaa ragga sida weyn ugu ole-oleynayey nabad iyo daganaansho ka hana qaada magaalada Gaalkacyo.

 Ciidamada ammaanka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa saakay waxa ay wadaan howlgallo iyo baaritaano lagu raadinayo raggii ka dambeeyay dilka Marxuum Cirro.Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug maalmo ka hor waxaa lagu soo gaba gabeeyay shir u dhaxeeyay maamulada Puntland iyo Galmudug, kaasi oo looga hadlayay ammaanka guud ee gobolka.