Yaa lahaa lacagtii lagu qabtay garoonka diyaaraha Aadan Cabdulle?

Wararka Maanta

Wararka laga helayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegaya in lacagtii shalay Booliska sheegeen inay gacanta ku dhigeen ay laheyd gabar ganacsato ah oo lagu magacaabo Sabiriin C/qaadir Isaaq.

Ehelada gabadha ayaa sheegay in gabadha ay Kenya uga Ganacsato dahab, waxaana gabadha saaka soo gaartay Muqdisho, iyadoo hadda ku sugan Saldhigga Booliska garoonka diyaaradaha, booliska ayaa gabadha su’aalo weydiinaya warbixin ka qoraya.

Gabadha ayaa sheeganeysa in lacagteda ay dhameyd illaa Hal Milyan oo dollar, halka lacagta shalay booliska soo bandhigeen ay qiyaas ahaan ay u muuqatay inta u dhaxeysa 150,000 illaa 300,000, inkastoo aanu Boolisku sheegin cadadka lacagta ay qabteen.

Lacagta shalay lagu qabtay garoonka diyaaradaha waxaa waday nin ay gabadha u soo dhiibatau lacagta, waxaana baaritaankii shalay ciidamada ku sameeyeen ninka waday uu u sheegay inay leedahay gabar ganacsato, waxaana xiriir taleefan oo dhex maray gabadha iyo Booliska laga codsaday inay la timaado cadeymaheeda.