5 qodob ka ogow Shirka Warbaahinta & RW Rooble

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Maamulayaasha, Agaasimeyaasha, Shaqaalaha Warbaahinta dowladda iyo xubno katirsan golaha Wasiirada ayaa kaqaybgalay kulanka oo uu soo qabanqaabiyey Xafiiska Ra’isalwasaaruhu.

Ra’isalwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ahaa qofka ugu dambeeya ee soo gala kulanka ayaa salaam iyo kaftan kaddib waxa uu ka sheekeeyey sida uu ku soo galay siyaaasadda iyo shaqooyinkii uu soo qabtay, waxa uu dulmaray sooyaalkiisa iyo in uu hooyadii ku yahay madi, madaxda warbaahinta qaarkood ayay is dhaafsadeen Kaftan iyo hadalo u badan Nolosha caadiga.

RW Rooble waxa uu kaqaybgalayaasha kala hadlay Doorashooyinka, Warbaahinta iyo heshiiska habraaca doorashooyinka, waxa uu xusay sida ay muhiimka u tahay kaalinta Warbaahinta xilliga doorashada, kaddibna dhowr agaasime ayaa weydiistay in uu Fadhiga la wadaago xaalka siyaasadda, Doorashooyinka iyo Meesha ay kala marayaan madaxda dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Waxa uu isweydiiyey sida ay Warbaahintu ugu qanacday in ay isgarabdhigto 8 magaalo oo u diyaarsan in doorashadu kadhacdo iyo 3 magaalo oo aan u diyaarsanayn, Suxufiyiinta qaarkood ayaa galay tirada guud ahaan magaalooyinka loo qoondeeyey in doorashadu kadhacdo, waa 5 ta maamul-goboleed oo kiiba loo qoondeeyey in uu yeesho laba deegaan doorasho iyo Muqidisho oo ay kadhaceyso doorashada Kuraasta Baarlamaanka ee Somaliland, su’aal ayay ku celiyeen iyaga oo weydiiyey in Saddex dowlad-goboleed iyo Muqdisho ay yihiin 7 Deegaan-doorasho, Gedo doorashadu waa ka dhaceysaa ayuu ugu jawaabceliyey.

DG Puntland

Ra’isalwasaaruhu waxa uu ka hadlay booqashadiisii iyo Wadahadalkii dhexmaray isaga iyo Siciid Deni, Madaxweynaha DG Puntland, waxa uu ku dheeraaday wixii ay kawadahadleen iyo sidii Deni u diiday dhammaan soo jeedintiisii, Waxa uu kahadlay Isimada Puntland iyo qaabkii uu ula socodsiiyey waxa ay isaga iyo madaxweyne Deni kawadahadleen.

Waxa uu sheegay in wax walbaa leeyihii Master ama cid muhiim u ah, sheekada Mucaaradka iyo musharixiintuna ay leedahay Master la yiraahdo Siciid Deni, marka uu meeshaas marayo ayuu si xamaasad leh uga hadlay xiriirka dowladda dhexe iyo Puntland, habraaca iyo heshiiska siyaasadeed ee doorashooyinka ayuu aad ugu dheeraday, waxa uu xusay kaalintii Siciid Deni kulahaa diyaarinta heshiiska iyo xalkii laga gaaray murankii Wasaaradda waxbarashada kaladhexeeyey DG Puntland.

DG Jubbaland

Arrin muhiim ah ayuu soo qaaday markii uu ka hadlayey DG Jubbaland, waa gobolka Gedo oo kamid ah Arrimaha udub-dhaxaadka u ah Khilaafka ka taagan doorashada 2021, waxa uu sheegay in ay jiraan Masters uusan sheegi Karin oo kudhex qarsoon sheekada gobolka Gedo, heshiiska aan la arag meel lagu qoray iyo cid joogtay meeshii lagu gaaray ee dhexmaray madaxweyne Farmaajo iyo MW DG Jubbaland kuna saabsan Kuraasta gobolka Gedo ayuu soo qaaday, waxa uu sheegay in ay jireen wax la isaga ogaa hayeeshee mar dambe uu diiday Axmed Madoobe! markii la weydiiyey sababtana Madoobe uu ku sheegay in uu ka soo fakaray oo ay u soo baxday in aysan suuragal ahayn.

Mucaaradka & midowga Musharixiinta

Si aan laga fili Karin madax iyo mas’uul jooga heerka Ra’isalwasaaraha ayuu uga hadlay arrinta Mucaaradka iyo guud ahaan musharaxiinta, inkasta oo uu sheegay in uusan musharax ahayn haddana markii uu la hadlayey Musharixiinta waxa uu adeegsaday lahjad Qaawan oo Qalafsan oo aan habayaraatee lahayn diblomaasiyad, hanti la boobay, maal la dhacay, eed la xiriirrat dhulka loo yaqaan xaafadda Galmudug iyo ceebo kale oo waaweyn ayuu jeediyey, waa saaxiibadeyna waa raacshay.

Hadalkiisaas ayaa kaqaybgalayaasha qaarkood ku qaaday in ay su’aalo keenaan hayeeshee Wasiirada qaarkood ayaa isku deyey in ay xakameeyaan ama jiheeyaan kulanka, inkasta oo ay sheegeen in kulanku yahay isbarasho iyo casho oo keli ah haddana su’aalihii waa sii socdeen, madaxda warbaahinta qaarkood ayaa Ra’isalwasaaraha u jiibiyey markii uu kahadlayey sida madaxweyneyaashii hore qaarkood u dhaafeen muddadii ay ahayd in doorasho dhacdo.

Galmudug & Hirshabeelle

War ay kaqaybgalayaasha qaarkood la yaabeen qaarkoodna u riyaaqeen ayuu sheegay mar uu soo hadal qaaday Galmudug & Hirshabeelle

RW Maxamed Xuseen Rooble ayaa kayiri shirkaas “Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu ka kooban yahay 329 xildhibaan, ma isweydiiseen inta ay Galmudug iyo Histaheelle oo aad u qaylo dheer ay ka yihiin? Waa 12% haddana iyada oo ay 88% dii kale ay aamusan yihiin ayay qaylinayaan”

Suxufiyiinta qaarkood ayaa aad ula yaabay hadalka Ra’isalwasaaraha, balse intaas kuma joogsan ee waa sii hadlay isaga oo u raadsaday wax uu ku difaaco kuna caddeeyo in ay sidaas tahay.

Si aan u saxno Galmudug iyo Hirshabeelle labada aqal ee Baarlamaanka waxa ka soo galay 89 xildhibaan, Tirada Kuraasta labada aqal ee Baarlamaanka marka lagu daro madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ah xubin sharafeed ka tirsan Baarlamaanka waa 330 Xildhibaan sidaas awgeed Galmudug iyo Hirshabeelle waa 27% guud ahaan tirada Baarlamaanka.

Rugta ganacsiga & Wershadaha

Hadalka RW Rooble waxaa soo galay sheekada kaladiridda rugta ganacsiga iyo Wershadaha oo ay Wasaaradda ganacsiga iyo Wershaduhu kala dirtay December-2020, waxa uu sheegay in uusan habayaraatee waxba kala socon kana ogeyn kaladiridda Rugta ganacsiga iyo Wershadaha, waxa uu sheegay in inkasta oo arrintaasi dhacday haddana ay socota xallinta iyo dhammeynteeda.

“Sida aad ogtihiin waxa aan soosaaray Wareegto haddii aad xusuusataan aan ku sheegayo in aan la qaadin tallaabo aan xafiiska Ra’isalwasaaruhu ogeyn” Balse tan xalkeedu waxa aan rejeynayaa in uu soo dhammaado.

Kulanka RW Kheyre & Warbaahinta: Wixii eed & canaan loo jeediyey Iskama difaacin waxna kama diidin!

WQ: Ahmed I. Gutale

Xigasho: Mustaqbal