Nabadoon Xaad Oo Ugu Baaqay Xildhibaannada Galmudug Meelmarinta Wasiirada Cusub

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay baarlamaanka maamulka Galmudug iney si shuruud la’aan ah ku meelmariyaan wasiirada cusub ee uu magacaabay madaxweyne Xaaf.

Waxa uu sheegay in shaqo badan laga doonayo maamulka Galmudug, islamarkaana muhiim ay tahay in la helo maamul mid ah oo eegaya danaha shacabka Galmudug.

xaad

“Waxaan ku baaqi lahaa in baarlamaanka uu meelmariyo wasiirada iyadoo maslaxadda la eegayo, howshana ha socoto” ayuu yiri Nabadoonka.

Dhanka kale, Nabadoon Xaad oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in baahiyaha ka jira Galmudug si degdeg wax looga qabto ay u baahan tahay inaan lagu mashquulin wasiiradan.

Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa magacaabay 52 waasiir, waxaana wasiiradaasi ku jira xubno kamid ahaa wasiiradii uu magacaabay Madaxweyne hore C/kariin Guuleed.

Xigasho: Goobjoog