Musuq maasuq ka socda wasaaradda waxbarashada Soomaaliya

Wararka Maanta WAXBARASHADA

Iyadoo lagu jiro waqti kala guur ah oo wasaaradda waxbarashada dhawaan la badalay wasiirkeedii ayaa haatan waxaa ka socda hawlo shahaadooyinka looga iibinayo ardadii dhawaan ku dhacay imtixaanka dugsiga sare oo Muqdisho u badnaa

Hawshan gadashada shahaadada waxaa horseed ka ah agaasimayaal iyo madax qaybeedyo ka tirsan wasaaradda, waxaana ay ardadii dhacday ka qaadayaan lacag u dhaxaysa $400 ilaa $1000, si loogu buuxiyo maadokyinkii ay ku dhaceen shahaadana loo siiyo.

Ceelhuur Online waxay aragtay waalidiin laga qaaday lacag dhan $400, halka qofka aan imtixaanka ku dhicin caadi ahaan uu shahaadada ku dalbado lacag ka yar $40.

Dhinaca kale guud ahaan wasaarasaha dawladda badankood ayaa labadii bilood ee ugu dambaysay laga qoray shaqaale ay keenayaan siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada jago doonka ah si ay ugu ololeeyaan, taas oo baal marsan hanaanka shaqaale qaadashada dawladda u dagsan.