MUSHARAXA UGU CADCAD DOORASHADA MADAXWEYNAHA K/GALBEED WAA KUMA?

Wararka Maanta

Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa noqday musharaxa ugu cadcad madaxweynaha dowlad goboleedka K/Galbeed Soomaaliya kaddib markii uu taageero aad u weyn ka helay Xildhibaanada Baarlamaanka iyo qeybaha bulshada ku dhaqan gobolada Bay, Bakool iyo Sh/hoose.

Kulamo dhowr ah oo maalmahaan uu la yeelanayay musharax Xuseen Cusmaan madax ka tirsan maamulka K/Galbeed, siyaasiyiinta, waxgaradka, aqoonyahanada ka soo jeeda goboladaasi ayaa waxay u muujiyeen taageeradooda ku aadan ololihiisa musharaxnimo.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhaba 24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa sheegaya in musharax Xuseen Cusmaan Xuseen uu yeeshay miisaan siyaasadeed, kaddib markii xubnaha uu la kulmay uu u soo bandhigay qorshihiisa ku aadan haddii uu ku guuleysto xilka madaxweynaha dowlad goboleedka K/Galbeed.

Musharaxa madaxweynaha dowlad goboleedka K/Galbeed Soomaaliya Xuseen Cusmaan Xuseen oo dhowaan ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha K/Galbeed wuxuu ka mid ahaa aqoonyahano Xilligii dowladdii Maxamed Siyaad Barre dalka Talyaaniga sanadadii 1988-90-kii, wuxuuna diyaariyay culuunta Seyniska iyo beeraha, Master, halkaasi oo uu ku soo bartay culuunta Seyniska iyo Beeraha.

2016 ilaa hadda wuxuu gacanta ku hayyaa diyaarinta shahaadada Ph.D ee Jaamacadda Technical University of Nairobi, Isagoo wax ka qoraya siyaasadaha iyo qaababka loola dagaalami karo xagjirnimada ee gobalka IGAD.

2008 ilaa 2010 Wuxuu shahaaadada labaad Dublamaasiyad (Masters of Arts in Diplomacy) kaga qaatay Jaamcadda Nairobi University 1997 ilaa 2003 Wuxuu shahaadada koobaad ku qaatay xisaabiye (CGA, Certified General Accounting) Camosun College ee gobalka Victoria ee dalka Canada 1996- 2000 wuxuu shahaado maamulka Ganacsiga ah kaga Camosun College, gobalka victoria ee dalka Canada.

Sanada 1988 ilaa 1990 wuxuu shahaadada labaad ku qaatay culuumta sayniska beeraha (Masters of Science in agriculture) jaamacadda University of Agronomic Science and Veterinary Medicine ee magaalada Bucharest ee dalka Romania Sanada 1984 ilaa 1988 wuxuu culuumta sayniska ee beeraha shahadaada koobaad kaga qaatay jaamacadda University of Agronomic Science and Veterinary Medicine ee magaalda Burcharest ee dalka Romania.

KHIBRADDA SHAQO

Sanadka 2017 ilaa 2018-wuxuu noqday wasiirka ku xigeenka caafimaadka. Sanadka 2012 – 2018 wuxuu xubin ka noqday Golahasha Shacabka Soomaaliyeed.

Sanadka 2004 ilaa 2012 wuxuu xubin ka noqday, Golaha shabacka ee kumeel gaarka ahaa. Sanadka 2006 ilaa 2007 Wuxuu wasiir ka noqday wasaaradda beeraha ee Soomaaliya. Sanadka 2004 ilaa 2006 wuxuu noqday wasiirka kuxigeenka wasaaradda Amniga Qaranka.

Sanadka 2003 ilaa 2003 wuxuu ka qaybqaatay shirkii dib u heshiisiinta, asagoo gudoomiye ka noqday gudiga xallinta khilaafaadka. Sanadka 1997 ilaa 2000, wuxuu maamule ka ahaa shirkadda Valley Cable Vision ee laga leeyahay Wadanka Canada, kuna taala gobalka Victoria, asagoo masuul ka ahaa hoggaanka iyo waxqabadka guud ee shirkadda.

Sanadka 1996 ilaa 1997, wuxuu ahaa cilmi baare xagga culuumta beeraha oo degen wadanka Canada.  Sanadka ilaa 1998 wuxuu noqday xubin katirsan guddiga Immigrant & Refugee Council of Manitoba (IRCOM) ee magaalada Winnipeg ee dalka Canada.

Sanadka 1994 ilaa 1998 wuxuu xubin ka ahaa gudiga iskaashiga Soomaalida ee magaalada Winnipeg, dalka Canada. Sanadka 1982 ilaa 1991 wuxuu ahaa xubin ka mid ah ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed , asagoo si gaar ah loogu tababaray mukhaabaraadka milatari (Military intelligence). Wuxuu ciidanka ku gaaray kornayl.