Musharax C/qaadir Cosoble oo gaaray Magaalada Kismaayo (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Musharaxa Madaxweynaha C/qaadir Cosoble Cali ayaa shalay booqasho ku tagay magaalada Kismaayo, halkaasoo aheyd maalmihii la soo dhaafay tagayeen Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha.

Mr C/qaadir Cosoble ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo Xildhibaanada labada aqal, Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland.

Waxaa uu shalay kulan qado ah la qaatay Xildhibaanada labada Aqal, isagoo u gudbiyay barnaamijkiisa siyaasadeed, waxaa uu xusay inay lagama maarmaan tahay in hoggaanka dalka uu is bedel ku yimaado.

Sidoo kale waxaa uu ka codsaday Xildhibaanada labada Aqal ee laga soo doortay Jubbaland inay taageeraan ololihiisa doorashada.

Mursharax C/qaadir Cosoble Cali ayaa ka mid ah Musharaxiinta ugu saameynta badan, waxaana ay si aad ah isaga soo hor-jeedaan Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay isku heyb ka soo wada jeedaan.

Kismaayo ayaa noqotay meel ay u kala ordaan Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha, iyagoo ku loolamaya helida taageerada Xildhibaanada ka soo jeeda Jubbland ee 51 xildhibaan.

Musharaxiin uu ka mid yahay Madaxweynaha xilka haya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid iyo C/raxmaan C/shakuur ayaa gaaray magaalada Kismaayo, iyagoo la kulmay xildhibaanada labada aqal iyo madaxda Jubbaland.

musharax-cosoble musharax-osoble2 musharax-osoble3

Xigasho: Jowhar.com