Galmudug oo taalo u dhiseysa Askartii Mareykanka uu ku laayay deegaanka Jeexdin (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Maamulka Galmudug ayaa taallo u dhisaya Ciidankii Mareykanka uu 28-kii September ee sanadkan ku laayay deegaanka Jeexdin ee Bariga Gobolka Mudug.

Qaar ka  mid ah Mas’uuliyiinta deegaanka iyo Qurbajoogta deegaankaas ayaa hadda dhagax dhigay Taallo loo dhisayo Ciidamada Galmudug uga dhintay weerarkii ay Mareykanka ka fuliyeen Gobolkaasi dhowr bilood ka hor.

Dowladda Mareykanka ayaa raalli gelin ka bixisay weerarkii ay ku qaadday deegaanka Jeexdin kuna leysay Ciidan ka tirsan Galmudug oo ay sheegtay in ay ku qaladday Al-shabaab.

Xirsi Yuusuf Bare,oo ah Duqa Gaalkacyo ee Galmudug iyo Sahro Cali Mire oo ka mid ah Qurbajoogta Galmudug ayaa goobtii uu weerarkaasi ka dhacay dhagax dhigay Taallo loogu talagalay Ciidankaas Galmudug kaga dhintay weerarka si loogu xusuusto.

dsc09874-640x360 dsc09883-640x360 dsc09886-640x360 dsc09906-640x360 dsc09907-640x360 dsc09910-640x360