Muqdisho:Qarax Qasaare gaystay oo ka dhacay Nawaaxiga wadada Warshadaha

Wararka Maanta

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo Qarax Miino lagula eegtay nawaaxiga ceelka Caafi ee wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Jugta qaraxa oo laga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa dadka degaanka waxa ay sheegeen Miinadan in lagu aasay wadada dhinaceeda, waxaana ka dhashay khasaare dhaawac ah.

Saraakiil ka tirsan Hay’adaha ammaanka ayaa sheegay in Qaraxa uu qabsaday Gaariga qeybtiisa dambe, ayna ku dhaawacmeen laba Askari oo ka tirsan saldhiga Booliska degmada Dayniile.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa baaritaano saakay ka wada goobta uu qaraxa ka dhacay agagaarkeeda, waxaana ay ku daba jiraan raggii ka dambeeyay falkan.

Wadada Warshadaha dhawr mar sidaan oo kale waxaa uga dhacay qaraxyo lala eegtay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM xilli ay halkaasi maraayeen.