Farmaajo”Shabaab Baxsada ayaa Galay buuraha Galgala”

Wararka Maanta

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo booqasho ku jooga degaanada Puntland ayaa sheegay sheegay xubno ka tirsan Shabaab ay ku soo carareen buuraha Galgala ee Puntland.

Askar iyo saraakiil ka tirsan ururka Al-shabaab oo ka baxsanaya Duqeymaha cirka ah ee Mareykanka ay lka wadaan gobolada dalka ayaa la sheegay in ay gaareen dhulka buuraleyda ah ee Gobolka Bari.

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Dowladda Federaalka iyo Puntland ay iska kaashadaan sidii gabi ahaan Shabaab looga ciribtiri lahaa guud ahaan dalka.

Farmaajo oo booqasho ku maraya qeybo ka mid ah gobolada dalka ayaa la kulmaya qeybaha kala duwan ee bulshada, wuxuuna socdaalkiisa la xiriira nabada iyo dib u heshiisiinta.