Muqdisho:Hay’adaha Amnigu Cashir Kama baran Musiibadii Zoobe

Wararka Maanta

Waxaa 14ka bishan magaalada Muqdisho ka dhacay weerar ismiidaamin ah kaa oo loo adeegsaday gaari noociisa lagu sheegay TM.

Weerarkan ismiidaaminta ah oo galaaftay nolosha boqolaal shacab oo xiligaa ku howlanaa baadi­goobka nolol maalmeedkooda, ayaa waxaa la xaqiijiyay in weerarkaasi uu u sabab ahaa habacsanaan dhanka amaanka ah oo jirtay.

Ciidamada amaanka ee u xilsaaran amniga magaalada ayaa xiligaa dayacay dhammaan waddooyinka Muqdisho oo uu soo maray gaariga falkaasi foosha xun fuliyay.

Weerarka kadib dowlada Federaalka ayaan weli la imaan isbedel dhanka amniga ah, waxaana xusid mudan in waddooyinka ugu muhiimsan ee magaalada ay yihiin kuwo haawinaaya oo aysan ku sugneyn ciidamada.

Waddooyinka ugu mashquulka badan ayaa ah kuwa dayacan sida wadada dheer ee Warshadaha. Wadnaha Jidka sodonka iyo waddooyin kale oo muhiim ah islamarkaana ay isticmaalayaan gaadiidka xamuulka ah oo aan la xaqiijin karin waxa ay sidaan, Muqdisho waxaa ka dhacay dhowr fal oo amniga liddi ku ah kadib Musiibadii 14 October sida Qarax Gaari lagu xiray oo dhacay Nawaaxiga Isbitaal Digfeer iyo dilaal qorshaysan waxayna arrintaasi muujineysaa mas’uuliyad darro ka muuqata Hay’adaha amniga.

Madaxda Hay’adaha amniga ee dowlada ayaa u muuqda inaysan weli cashar ka baran musiibadii ka dhalatay Qaraxa Zoobe oo haligay shacab badan.

Sidoo kale, aamusnaanta Alshabaab ayaa muujineysa in weli ay jirto fursado ay ku fulinkaraan weeraro kale oo ay dhulka ku dhigayaan goobo waaweyn oo ay u arkaan kuwo munaasib ah.

Si kastaba ha ahaatee, dadka ku xeeldheer arrimaha amaanka ayaa dowlada Federaalka uga digay inay kusii dhiirato habacsanaanta ka jirta magaalada Muqdisho.

Ceelhuuronline