Mudanayaashii lagu doortay Cadaado oo Shahaadooyinkii xildhibaanimo la gudoonsiiyey (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Munaasabad xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyada Galmudug ayaa shahaadooyinkii xildhibaanimo lagu gudoonsiiyey mudanayaasha lagu doortay Cadaado.

Munaasabadda ayaa kasoo qeybgalay Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed, Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi, wasiirka arimaha gudaha Dfs C/raxmaan Odawaa oo ka mid ahaa xildhibaanada Cadaado lagu doortay, mudanaayasha cusub ee labada aqal, wasiiro iyo xildhibaano Galmudug iyo marti Sharaf kale.

Kooxaha fanka ayaa goobta ka qaaday heeso u badan dardaaran iyo duco, mudanaayasha qaar oo goobta ka hadlay ayaa sheeegay in gurmad lala gaaro dadka abaartu saameysay.

Gabagabadii mudanaayasha cusub ayaa goobta shahaado la gudoonsiiyey, sidoo ciidamada iyo gudiga doorashada ayaa iyana shahaado sharaf la siiyey kaalintii ay ku lahaayeen sugidda amniga doorashada.

fb_img_1481472223465 fb_img_1481472218193 fb_img_1481472213963 fb_img_1481472208507 fb_img_1481472136453 fb_img_1481471432392 fb_img_1481471421026 fb_img_1481470658210