Michy Batshuayi Oo Dhaawac Soo Gaaray

Ciyaaraha

Chelsea ayaa heshay dhaawac ka hor inta uusan ku soo laaban  ciyaaraha caalamiga xidigeeda la yiraahdo Michy Batshuayi isagoo dhaawac jilibka kasoo gaaray kulankii Belgium.

Batshuayi ayaa loo magacaabay ciyaartoyda  wajahaysa Mexico iyo Japan, 24 jirkaan ayaa rajeynayay inuu ciyaaro kulamo badan ka dib markii uu shan kulan ka soo bilowday Blues xilli ciyaareedkan.

Si kastaba ha ahaatee, weeraryahanka ayaa lagu qasbay inuu ku laabto West London ka dib markii uu dhaawac soo gaaray intii lagu jiray tababarkii hore ee xulka qaranka.

Batshuayi horayba waxaa loogu diray raajo, laakiin ciyaartoygii hore ee Marseille ayaa baaritaan dheeraad ah lagu samayn doona maalmaha soo socda.

Laga soo bilaabo November 18 ilaa iyo dhamaadka bisha, Chelsea ayaa la ciyaari doonta West Bromwich Albion, Qarabag FK, Liverpool iyo Swansea City.