Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u safraya Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qadar.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid noqon doona , Wasiiro, xildhibaano iyo diblumaasiyiin sarsare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Booqashada Madaxweynaha ayaa qaadan doonta laba Maalin 13 iyo 14 May 2018, waxaana booqashada horey loo qorsheeyey in ay dhacdo bishii Maarso 2018.
Ujeedka safarkan ayaa ah sidii loo kala saxiixan lahaa heshiisyo badan oo dhinaca ganacsiga ah, horumarinta iyo amniga, Qatar waxay sidoo kale caawin doonta dib u qalabeynt ciidanka.
Amiir Sheekh bin Hamad al-Thani ayuu la kulmi doona si uu ugala hadlo xiriirka labada dhinac iyo rajooyinka horumarineed.
Warbaahinta dowladda Qadar ayaa si ballaaran uga hadlaysa Safarka Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagi doona Magaalada Dooxa.
Waa Safarkii Labaad ee uu madaxweyne Farmaajo ku taggo qadar tan iyo Markii la doortay.
Safarkaan ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xumanayo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.