Ganacsato Soomaali ah oo lagu dilay dalka South Africa

Wararka Maanta

Kooxo burcad South Africaan ah ayaa weerarro ay ku qaadeen goobo ganacsi oo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaali ah waxaa ay ku dileen labo ganacsade oo Soomaali ah mid kale na waa ay ku dhaawaceen .
Weerarka oo ka dhacay xaafadda lagu magacaabo Khaliija oo qiyaastii 30 Kiilo Mitir u jirta magaalada Cape Town ayaa waxaa lagu soo waramaya in maalmahii la soo dhaafay ay xaaladeedu aad u kacsadeeyd,  iyadoo walwal xooggan uu soo wajahay Soomaalida  halkaasi ganacsiga ku leh.

Muwaadiniinta caawa la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Mahad Salaad Axmed iyo Muxudiin Geeddi Cali,  wiilka dhaawaca ahna waxaa lagu magacaabaa Axmed Maxamed Nuur.

Goob joogayaal aan la xariirnay ayaa noo sheegay in ciidamada Police-ka ay goobta soo gaareen isla markaana ay halkaasi baritaano ak bilaabeen waxaana lagu waaramaya in midka dhaawaca ah loola cararay Cusbitaalka magaalada Cape Town.

Isha: Sonna