Madaxweynihii hore Maamulkii Ximan & Xeeb Maxamed Cabdullaahi Aadan Tiiceey iyo Gudoomiyaha Degmada Cadaado Cabdullaahi Cabdiraxmaan Tootoole ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay Dhismaha Dugsiga Hoose/Dhexe ee deegaanka Dhagaxdheer ee degmada Cadaado.
Dhagaxdhigan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka socday maamulka Galmudug iyo qeybaha Bulshada, Maamulka degmada Cadaado iyo Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa balanqaaday dhismaha Dugsigan.
Maamulka Degmada Cadaado, waxgaradka deegaanka ayaa iska kaashanaya sidii loo dhisi lahaa xarumaha Aasaasiga ah deegaanada hoostaga degmada Cadaado.
25ka bishan ayey aheyd markii xarigga laga jaray Dhismaha Dugsiga Hoose/Dhexe deegaanka Cadakibir ee degmada Cadaado.