Maxaa Saaka Ka Cusub Magaalada Kismaayo (Akhriso)

Wararka Maanta

Xaaladda Magaalada kismaayo Ee xarun Gobolka Jubbada Hoose Ayaa Saaka degan Ka Dib markii Shalay Gelinkii Dambe Uu Halkaasi Ka Dhacay Iska Hor Imaad U Dhaxeeyey Ciidamo Kawada Tirsan Kuwa Maamulka jubbaland.

Iska Hor Imaadka Oo Socday Muddo kooban Ayaa Waxaa Ka Dhashay Khasaare Isugu Jira Dhimasho Iyo Dhaawac Intaba Iyadoona Ugu dambeyn Ciidamada Ammaanka Jubbaland Ay Ku Guuleysteen Joojinta Iska Hor Imaadkaasi.

Dhinaca kalw wararka Saaka Aan ka Heleyno Magaalada kismaayo ayaa Waxa Ay Sheegayaan In Magaalada Ay Hawl-gallo ka Sameynayaan Ciidamada Booliiska Maamulka Jubbaland.

Lama Shaacin Illaa Iyo hadda Wax Dad Ah Oo Lagu Soo Qabtay hawl-gallada Ciidamada Boolisku ka Wadaan Xaafadaha Kala Gedisan Ee Kismaayo.

Waxaa Maalmihii Dambe Gudaha Magaalada Kismaayo Kusoo Badanayey Kooxo Hubeysan Oo Falal Lid Ku Ah Amniga Ka Geysanyey Gudaha Magaalada Iyadoona Horay Madaxweynaha Jubbaland Uu Amar Ku Bixiyey In Magaalada Laga Saaro Kooxaha Hubeysan Oo Aan Ka Mid Aheyn Ciidamada Ammaanka Jubbaland.