Maxaa natiijo ah oo kasoo baxay howlgaladii ugu dambeeyay ee Afgooye?

Wararka Maanta

Iyadoo dhawaanahaanba Degmada Afgooye iyo degaanada hoostaga ay ka socdeen howlgalo lagu adkeenayo ammaanka ayaa waxaa ka warbixiyay howlgaladaasi Taliska Booliska Degmadaasi.

Taliyaha Saldhigga Degmada Afgooye C/qaadir Warsame ayaa sheegay in lagu guuleystay adkeynta amniga waxa uuna ku nuux nuuxsaday in howlgaladaasi natiijo fiicana ay kasoo baxday.

Taliye Warsame ayaa waxa uu shacabka Degmadaasi ku amaanay sida ay Ciidamada ammaanka ee degmadaasi ay ula shaqeyeen, isaga oo ugu mahadceliyay wadashaqeyntooda.

Waxa uu xusay in ciidanku ay heegan ugu jiraan sidii ay uga hortagi lahaayeen isku day kasta, waxa uu intaasi raaciyay in Ciidamada ammaankla ay ka hortageen weeraro iyo falal amniga lidi ku ah oo Shabaab la damacsanayeen Degmadaasi.

Waxa uu sheegay in ammmaanka degmadaasi uu soo hagaagayo taasina ay ku timaaday waxa uu ku tilmaamay wadashaqeynta Ciidamada iyo Shacabka.