Maxaa ka jira in Wasiirka Amniga loo diyaarinayo Madaxweynaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe

Wararka Maanta

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya uu yahay ninka Madaxtooyada u diyaarineyso inuu ku soo baxdo xilka Madaxweynaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe, kaasoo dhismihiisa uu ka socdo magaalada Jowhar.

Ilo wareedyo ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in Madaxtooyada ay ku qal-qaalineyso in C/risaaq Cumar Maxamed inuu isku sharaxo xilka Madaxweynaha Maamulka labada Gobol ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Wararka ayaa intaa ku daraya in laga yaabo in maalmaha soo socda uu is casilo, si uu ugu dhawaaqo Musharaxnimada xilka Madaxweynaha.

Illaa afar Musharax ayaa illaa iyo haatan ku dhawaaqay inay yihiin Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kuwaasoo haatan ku sugan magaalada Jowhar.

Wararka ayaa sheegaya in booqashadii Madaxweynaha uu dhowaan ku tagay Jowhar ujeedkeedu ahaa sidii loo dar dar gelin lahaa dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, ka hor doorashada bisha October.

Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa la sheegayaa in Madaxweynuhu ku tashanayo Xildhibaanada ka imaan doono, waxaana haatan muuqata in lagu loolami doono Xildhibaanada 32-xubnood ee Aqalka hoose, kana imaan doona Gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu xusuustii in taageeradii uu ku lahaa doorashadii Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed, haatana uu wato Musharax kale maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaase la ogeyn sida uu tanina ugu guuleysan doono.

Dad badan ayaa aamisan in hadii uu hirgalo dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe inay ka dhigan tahay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu tallaab u qaaday inuu mar kale soo laabto.