Maxaa kasoo baxay Shirkii Beesha Sacad iyo RW Kheyre

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa Qeybta Koofureed magaalada Gaalkacyo galabta kusoo gabangaboobay kulan u dhaxeeyey Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo waxgaradka beesha Sacad.

Kulanka oo bilowday duhurkii kadib ayaa socday muddo saddex saacadood ah, waxaana beesha Sacad Ra’iisulwasaaraha u gudbiyeen qodobadan:

  1. In go’aanka beesha Sacad uu soo baxayo kadib shirka beesha beri 10 July 2019 uga furmayo magaalada Gaalkacyo.
  2. In Kheyre taageero shirka beesha Habargidir oo 15 July 2019.

Dhanka kale Kheyre ayaa ka aqbalay beesha labada qodob ee uu usoo jeediyeen, waxaana uu tilmaamay inuu ka dhursugayo go’aanka beesha, sidoo kale wuxuu sheegay inuu garab taagan yahay shirka Hobyo.

Gabangabadii Shirkii Kheyre iyo beesha Sacad ayaa ku soo idlaaday natiijo la’aan,  Kheyre ayaa ka safraya Gaalkacyo isagoo gacmo maran, waxaana muuqata inuu ku dheeraaday xal u helida khilaafa siyaasadeed ee Galmudug.