Shirka Wadatashiga DFS & Dowlad Goboleedyada oo dib u dhacay

Wararka Maanta

Madaxda DFS iyo Dowlad Goboleedyada ayaa maanta oo sabti ah kuna beegan 12-ka September waxa ay u ballansanaayeen shir wadatashi ah oo ay uga arrinsanayaan Xaaladda Dalka.

Saddex Cishe kahor Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkaan uu furmayo maanta oo Sabti ah, waxaana xiligaas Muqdisho joogay dhammaan Madax Goboleedyada oo maalmihii lasoo dhaafay caasimadda soo gaaray.

Ilo xog ogaal ah ayaa Mustaqbal u sheegay in Shirka oo maanta lagu waday in uu ka furmo Caasimadda uu dib u dhacay, sababtu waa safarrada degdeg ah Madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubbaland ay ku kala aadeen Nairobi & Kismaayo.

Shirka waxaa Si gaar ah diiradda lagu saarayaa arrimaha Doorashooyinka, Marxaladda Geedi socodka iyo xal ka gaarista Khilaafaadka Siyaasadeed ee taagan, maadaama muddo xileedka Hay’adaha Dowladda Federaalka uu sii idlaanayo.

Madaxtooyada Soomaaliya oo gogosha wadatashiga ah dhigtay ayaa lagu wadaa in ay war kasoo saarto muddeynta cusub ee waqtiga uu furmayo Shirkaan, Madaxda qaar ayaa Kismaayo u tageysa ka qaybgalka Aaska Guddoomiyihii Rugta Ganacsatada Jubbaland.

Muqdisho waxaa shalay saacado is xig-xigay safaro aan horay loosii shaacin uga baxay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubbaland oo u kala ambabaxay Magaalooyinka Nairobi iyo Kismaayo.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa Magaalada Nairobi Caasimadda Kenya u aaday safar aysan faah-faahin Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug, balse isla maanta dib ugu soo laabanayo Muqdisho.

Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) waxa uu si degdeg ah ugu safray Magaalada Kismaayo oo waxaa ka dhacay qarax lagu dilay AUN Shaafi Raabi Kaahin Guddoomiyaha Rugta ganacsiga Jubbaland sidoo kale waxa uu kamid ahaa Aas-aasayaasha Dowlad Goboleedkaas.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka qaybgalaya Aaska Marxuum Shaafi Raabi, Hay’adaha ammaanka ayuu la kulmayaa si uu ugala hadlayo xoojinta ammaanka Kismaayo iyo qorshe isbadal uu sameynayo, maadaama Xarunta KMG ah ee Maamulkiisa qaraxyada iyo dilalka ku kordheen maalmihii lasoo dhaafay.

Xigasho: Mustaqbal