Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Diinta oo ku dhintay Qarax

Wararka Maanta

Madaxa qeybta Shaqaalaha iyo Tirakoobka ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Eng. Fu’aad Saleebaan Jaamac ayaa ku geeriyooday Qarax loogu xiray gaarigigiisa degmada Boondheere Magaalada Muqdisho.

Gaariga qarxay ayaa ahaa Fielder oo ah gaadiidka raaxada loo yaqaano, waxaana saarnaa illaa saddex qof oo ahaa wiil, hooyadiis iyo wiil kale oo la dhashay.

Gaariga ayaa la sheegay inuu u socday Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana la sheegay in uu wiilka uu waday Hooyadiis dhawaan ka timid Hargeysa, islamarkaana howllo Caafimaad loo Keenay Muqdisho, waxaana Saaka ay u socotay Hargeysa.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada uu ka baxay Madaxa qeybta Shaqaalaha ee Waaxda Shaqaalaha iyo Tirakoobka ee Wasaardda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta JFS, Fu’aad Saleebaan Jaamac, oo saaka gacan ka xaqdaran ku dishay Muqdisho”ayuu yiri Wasiir dowlaha Wasaaradda Diinta.