Wareegto:Xaaf oo mamnuucay in Cadaado lagu qabto Shirar Siyaasadeed uusan ogayn

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale Deelle (Xaaf) ayaa lagu mamnuucay in an Degaanada Maamulkaasi Lagu qaban Shirar Siyaasadeed kulamo  aan amar ka haysan Madaxtooyada Galmudug.

Wareegtada oo ku Socota Wasaaradda Amniga Gudaha Galmudug.Taliyaasha Ciidamada iyo Maamulka Degamada Cadaado ayaa lagu Sheegay in Galmudug aysan raali ka noqon doodin in la qabto Shirar iyo Kulaamo an u adeegayn danaha Maamulkaasi islamarkaana qatar ku ah Amniga iyo Xasiloonida degaanka.

Arintaan ayaa imaanaysa ayadoo ay Madaxda sare ee Galmudug ka dhex taagan tahay Xiisad Siyaasadeed oo ka dhalatay kadib markii go’aankii uu Madaxwayne Xaaf ku taageeray Sacuudiga iyo Imaaradka.

Hoos ka Akhri Wareegtada