Mareykanka Oo Shaaciyey Magacyada Dhalin-Yaro Soomaaliyeed Oo Arga-Gixisanimo Lala Xariirinayo

Wararka Maanta

Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay liis dheer oo ay ku qoranyihiin 15 Xubnood oo ay ku sheegtay in ay ka kala tirsanyihiin Ururrada Daalibaan, Al-shabaab, Daacish iyo Xisbullah.

15kan qof ayaa gacanta lagu dhigay intii u dhaxeysay 2001dii ilaa 2018ka,waxaana ay dowladda Mareykanka ku sheegtay in ay yihiin xubno Ururrada Argagixisada ay u dirsadeen Mareykanka.

Waxaa ku jira tiro Soomaali ah waxaana ka mid ah;

1-Cabdulahi Shariif, Somalia, lagu xiray  Alberta, Canada, September 2017,  ka tirsan Daacish.

2-Ibrahim Qoordheere, Somalia, lagu xiray  Costa Rica, March 2017,ka tirsan al-Shabaab

3-Abdullahi Cumar Fidse, Somalia, lagu xiray Sohdinta  Mexico-Texas , June 2008, ka tirsan Al-shabab

4-Maxamed Axmad Dhakane, Somalia, lagu xiray sohdinta  Mexico-Texas , October 2008, ka tirsan Al Itixaad Al Islaami .

5-Qof aan la magacaabin u dhashay Somalia , lagu xiray sohdinta  Texas-Mexico, June 2014, ka tirsan  al-Shabaab.

6- Qof aan la magacaabin, u dhashay Somalia, lagu xiray sohdint Mexico-California, May 2011, ka tirsan Al-shabab, Aabbihiis, Hooyadiis iyo Afar Carruur ah oo la dhalatay ayaa sidoo kale ku jira liiska Argagixisada isha lagu hayo.

Waxaa kale oo sidan oo kale lagu qabtay Sohdinta Mareykanka iyo Mexico 9  Qof oo kale oo u kala dhashay Dalalka Afghanistan,Lebanan, Pakistan, Sri Lankan iyo Bangladesh.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa horay u sheegay in dadka ka soo gudbaya Sohdinta Mexico ay ku jiraan Dad ka soo jeeda Bariga Dhexe iyo Afrika,kuwaas oo iska dhigaya soo galooti laakiin u diiwaangeshan Ururrada Argagixisada ah.