Mareykanka oo ka digay Musuq-maasuq dib u habeynta Ciidamada DFS

Wararka Maanta
Qoraal la soo dhigay Barta twitter-ka ee Safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in Mareykanka uu taageerayo dib u habeynta dhinaca Amniga,hayeeshee musuq maasuqa iyo kharaaba kiilka ay dhaawacayaan horumarada socda iyo Amniga.
Mareykanka wuxuu taageerayaa dib u habeynta waaxda amniga taas oo u horseedeysa mustaqbal ifaya Soomaaliya iyo Soomaalida oo dhan. Musuqmaasuqa iyo eexda ayaa dib u dhigeysa horumarka, waxay wiiqeysaa amniga dadka Soomaaliyeed, waxayna xoojineysaa cadawga Soomaaliya”. ayaa lagu yiri Qoraalka safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.
Mareykanka ayaa qoraalkaan uu soo saray majirin cid si toos ah uu ugu socday, hayeeshee waxaa uu kaga hadlay xaalad dib u habeynta dhanka Amniga ee Soomaaliya maadaama weli dalka ay ka socdaan howlgallada ka dhan ah Al-Shabaab.
Warkaan kasoo baxay Safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dalka uu ku jiro waqti ala guur ah, waxaana Mareykanka uu ka mid yahay dowladaha dhanka Amniga ka taageera Soomaaliya.
Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo oo ay wehliyaan La Taliyeyaashiisa arrimaha Doorashooyinka iyo Amniga ayaa xilligan kulan kula leh Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde qeybta Hangarka Wafdi ka socda dowladda Mareykanka oo isugu jira Wasaaradda Difaaca Mareykanka iyo Taliska AFRICOM.