Galmudug oo Mamnuucday Xaalufinta Dhirta iyo Ka ganacsiga Dhuxusha

Wararka Maanta

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa lagu mamnuucay xaalufinta dhirta iyo ka ganacsiga dhuxusha deegaanada Galmudug.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in Galmudug danbi u aqoonsanayso jarista dhirta, iyadoo la faray ha’ayadaha amniga in ay ka hortagaan xaaluf deegaanka.