Marc-Andre ter Stegen: ‘Tartanka Horyaalka La Liga Wali wuu furan yahay

Ciyaaraha

Goolhayaha Barcelona Marc-Andre ter Stegen ayaa shaaca ka qaaday in tartanka horyaalka La Liga uu weli furan yahay.

Barcelona ayaa ku bilaabatay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedka 2017-18 – iyagoo badiyay 10 ka mid ah 11 kulan oo ay ciyaarayeen xili ciyaareedkan.

Kooxda Ernesto Valverde ayaa haatan 8 dhibcood oo nadiif ah ka heysata kooxda heysata horyaalka La Liga ee Real Madrid, oo fadhisa booska seddexaad, halka ay Valencia tahay kooxda booska labaad, laakiin Ter Stegen ayaa sheegay inay tahay  tartan adag ilaa dhamaadka xili  ciyaareedka.

“Waxa ay noqon doontaa tartan adag ilaa dhamaadka, waa horyaalka Spain, mana aqbali karno wax kasta oo oo dib u dhac  ah, waxaan u baahanahay inaan si buuxda diirada u saarno,” ESPN ayaa sidaasi ka soo xigatay Ter Stegen.

“Waxaan rajeyneynaa inaan sii wadi karno masaafada u dhaxeysa aniga iyo Real, waxaana rajeyneynaa, wax yar ka hor Christmas-ka kulan muhim ah, waxaan sii dheereyn karnaa hogaaminteena.”

Ter Stegen ayaa keliya afar gool laga dhaliyey 11 kulan oo uu u saftay Barcelona xilli ciyaareedkan.