Maraykanka oo maanta ay ka dhici doonto doorashadii kala saarka

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Ergo codeedka Gobollada Mareykanka ee loo yaqaano Electoral College ayaa maanta la filayaa in ay si rasmi ah ugu codeeyaan qofka noqonaya Madaxweynaha cusub ee Mareykanka.

Codeynta ayaa ka dhici doonta dhammaan 50-ka Gobol ee uu ka kooban yahay Wadanka Mareykanka iyo Magaalada Washington DC, Waxaana codadka bixin doona ilaa iyo 538 qof.
Waxaa si weyn loo saadaalinayaa in ergada ay xaqiijin donaan in Donald Trump uu yahay Madaxweynaha 45-aad ee dalka Mareykanka, maadaama uu ku guuleystay Gobollo codadkooda ay ka badan yihiin 270-ka uu u baahan yahay.

Shacabka Mareykanka ayaa bishi November u doortay Donald Trump inuu noqdo Madaxweynaha Maraykanka kadib marki uu ka badiyey Muasharax Hillary Clinton, laakiinse ergooyinka Gobollada oo leh go’aanka ugu dambeeya ayaa codbixin maanta gelin doonaan, taasoo kala bixin doonta cida noqon doonta Madaxweynaha Maamuli doona Aqalka ee looga arrimiyo Dalka Maraykanka.