Mar hadii C/raxmaan Danbi lagu waayay Muhiim in la helaa Cid qaadata Masuuliyada Xasuuqii Askartii iyo Kufsigii Sharciga!

Qalinka Qoraaga Wararka Maanta

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa 21/12/2017 waxay gu Fariisatay eedaymo ay Xeerilaalintu kusoo oogeen Siyaaasi C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo 18-Bishaan Wareer lagu qaaday Gurigiisa xarig ku mutaystay Xeerilaalintuna usoo jeediyeen in uu yahay eedaysane .Xeerilaalinta Qaranka oo maanta laga sugayay inay keenaan Cadaymo la xarariira eedaymaha lagu soo xiray Siyaaasi Warsame ayaa gabi ahaanba waysay wax cadayna waxaana sidaasi Maxkamadu Fasaxday C/raxmaan C/Shakuur ayadoo ay cadaatay in eedaymahaasi mala awaal iyo been abuur ahaayeen. Wasiirka Amniga Ducaale oo ka hadlayay Siidaynta Wasiirkii hore Qorshaynta iyo Isaashiga Caalaamiga Somalia ayaa dhankiisa qiray in Weererkii Guriga C/raxmaan C/Shakuur uu ahaa qalad waxuuna bixiyay raali galin.

Hadaba intaas kadib Sadex Qodob ayaa u baahan in Hoosta laga Xariiqo.

1-Mar hadii laysla qiray In C/raxmaan Danbi lagu waayay waa in la helaa Cid qaadata Masuuliyada Xasuuqii Muwaadiinta Soomaaliyeed iyo Kufsigii Sharciga!

-C/raxmaan C/Shakuur Danbi waa lagu wayay Wasaaraddii Amniga ee Masuulka ka hadayd Wareerka Xariga. iyo Dilka Ilaaladii Siyaaasiga Danbiga lagu waayay waxay raali galin bixisay Afar bari kadib Dhacdii Gurigga C/raxmaan C/Shakuur waxayna qiratay in ay ku qaldanayd Xasuuqa Ilaaladii Muwaadinka laysla qiray in uusa Danbi lahayn. Balse Shacabka Soomaaliyeed 18-Bishaan ayaayba ogaayeen inaysan wax saxa ahayn qaabka loo fuliyay Weererkii iyo Xarigii Mr:Warsame Dastuurkana lagu duntay ayadoo la Xasuuqay Muwaadiniin iskugu jira Askartii Dowaladda iyo Shacab. waxaase dad aan anigu kujiro isku qancinayeen suurtagalmida ah in laga hortagayo wax Dalka Halis ku ah sida Wasaardda Amniga iyo Xeerilaalintu sheegayeen oo dadka la laayay iyo Waxii ka dhacay ay Badbaado u noqon ka karaan Jiritaanka Dowladnimada Somalia. Hadiise Laysla qiray in uusan Danbiile ahayn Muwaadinka dhibka loo gaystay waa Muhiim in la helaa Cid qaadata Masuuliyadda Xaqsuuqii ka dhacay Guriga Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur iyo Kufsigii iyo Ku tumasahadii Dastuurk Dalka Hadii la rabay in la ilaaliyo Dowladnimada Somalia Dadkii ku tuntay Sharciga Xasuuqayna Ciidankii Cududa u ahaa Dalka ayaa u baahan la Xisaabtan Dhab ah.!

2-Bogaadinta in Soomaalidu wada aqbashay in Sharciga lagu kala baxo.

Kadib Xarigii. Weerarkii. Guriga Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur Warsame iyo Xasuuqii Muwaadiinta iskugu jirtay Askarta Shacabka ee laysla qiray in ay qalad cad ahayd waxaa Dalka Xaaladiisa laga bixinayay Muuqaalo kala duwan Dowladda ayaa xirtay Wadooyinka Muhiimka ee Muqdisho ayadoo Wajahaysay Curlayska Caradiii ka dhalatay Weerarkii Guriga C/raxmaan C/Shakuur.Warbaahinta iyo Baraha-Bulshada waxaa laysku Marinayaay Fariimo kala duwan oo qaarkood ka imaaanayeen Ehelka Siyaasiga iyo qaraabadda Dadkii lagu Xasuuqay Gurigiisa iyo Xildhibaaano ka Xumaaday Xarigiisa waxaana mararka qaar la filan karay Gacan ka hadal madaama hubku cidkasta gacanteeda ku jiro. Falanqeeyaasha Arimaha Somalia ayaa mararka Sheegayay in Arinta Mr.Warsame Daraadeed dalku ku laaban karo Wadadii-1991.Balse Sidaaas Xaalku Ma noqon ee Waxaa Cadaatay in Bulshada Soomaaliyeed Qaybaheeda kala duwan Garahaan Ehelka iyo Siyaasiga laysla qiray in laga gardarnaa oo mararka qaar la sheego inay Caqabad ku yihiin Dowladnimada Somalia ay Waqti xaadirkaan yihiin kuwo aqbalay Saraynta Sharciga iyo Dowladnimada waxaana laga war sugay ilaa la ogaado in uu C/raxmaan Danbi lee yahay iyo in kale ugu danbaytii Maxkamad ayaa lagu kala baxay waana Calaamad Muujinaysa in Bisaylka Dimuquraadiya iyo Dowlad Jacaylka Dadka Soomaaliyeed ee kasoo kab sanaya boogihii Dowlad la’aanta taas ayaana u baahan in la wada dhowro.

3-C/raxmaan C/Shakuur Warsame Xarigii Sumcad ayaa ka helay!

Marka ruux kasta oo Bini’aadan ah oo lagu tilaamo Danbiile Xabsina loo galiyo Danbi uu galay ama uusan gaysan waxuu Wajahaa Waji gabax iyo Fadeexad Bulshada uu la nool yahay iyo Caalamka intiisa kale kumana sii jirto marka aad tahay Shaqsi Sumcad leh iyo Siyaasi Han iyo Himmilo ka leh Hugaamin Bulsho sida Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur oo kale. Helitaanka Sumcadaadii iyo in Bulshadu ka Shaki baxaan wixii lagugu sheegayay halka wado ee aad ku gaari kartaa waa in Maxkamad Sharci ah horteeda lagugu waayaa eedaymihii lagugu been abuurtay. Mr Warsame ayaana noqday Siyaasigii ugu horeeyay ee Somalia ah Maxkamdina ka reebtay Hunu-hunudii iyo tuhunkii laga qabay waana Siyaaasi xiligaaan Bulshada Sawirkii ay haysteeen badalay waxuuna Haystaaa Fursad uu ku noq karo Hugaamiyaha Somalia si lamida Hugaamiyaaasha Caalamka ee Maxkamaduhu cadeeyeen. Inaysan Danbi lahayn kadib eedo iyo Xabsiyo ay wajaheeen

Ceelhuur.com

W/Q:Ali-yare Abdiwahab Aden