Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhaweeyey Muqdisho (Sawirro)

Wararka Maanta

Madaxweynihii hore Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo 18 bilood ah dalka ka maqnaa ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo dhoweynta Madaxweyne Xasan Sheekh u saartay wafdi wasiiro ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Amniga, kuwaasoo garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay.

Xildhibaano ka tirsan labada Gole iyo xubno horay xilal uga soo qabtay dalka ayaa si diiran ugu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa wehliyay oo diyaaradda Turkish Airlines kala soo degay saaxiibkiis C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynihii hore Galmudug.

Ujeedada socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu salka ku haayo dhismaha xisbi siyaasadeed oo dhowaan looga dhawaaqi doono magaalada Muqdisho, isla markaana uu Hoggaamiye u noqon doono.

Dadka odorasa siyaasadda ayaa aaminsan in socdaalka Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ay siyaasadda Soomaaliya ee xilligan u yeeli doonto miisaan, iyadoo la hadal haayo mowjado siyaasadeed oo ku soo fool leh dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.