Sawirro: Ganacsatada G.Dhexe & Puntland oo heshiis gaaray

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 08 August 2017 kulan Qado sharaf ah u sameeyey ganacsato Soomaaliyeed oo ka kala yimid 12 degmo oo ka tirsan gobolada dhexe (Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan) ee Soomaaliya.

Munaasibadda qado sharafta ah oo ka dhacday xarunta dhaqanka iyo dalxiiska ee Hiddo Raac Garoowe ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Ganacsatadan Soomaaliyeed ee ka kala timid 12 ka degmo ee ka tirsan golbolada dhexe ee Soomaaliya iyo Guddi Wasiiro ah oo Madaxweynaha Puntland u xilsaaray wadda hadalada Puntland iyo ganacsatadaasi ayaa maanta wada hadal kadib soo saaray qodobo is afgarad heshiis ah, kuwaasi oo salka ku haya taabagelinta Shillin Soomaaliga iyo guud ahaan horumarinta ganacsiga ee u dhexeeya  Puntland iyo goboladda dhexe , qodobadda heshiiska ayaa ka kooban sideed qodob oo kala ah sidan.

1. In lacagta shillin Soomaaliga ah dhammaanteed sidii hore u shaqayso,marka laga reebo lacagta been abuurka ah iyo midda aan lahayn tayyadii lacageed ee loo baahnaa.

2. si loola socdo dhaqdhaqaaqa lacagaha, wixii ka badan 50,000,000 Sh. So, (konton milyan), waxaa la marinayaa Bangiga Dawladda Puntland.

3. Waxaa lagu heshiiyey in sarifka lacagta lagu ilaaliyo halkii doolarba sideed iyo labaatan kun ( 28, 000 Sh.
So).

4. Gaariga lagu haystey Gaalkacayo waxaa lagu sii daynayaa shuruud la’aan kharashka hawsha gaarigaas ku baxayna sidii ay hore uga heshiiyeen waxaa bixinaya Dawladda Puntland iyo Galmudug.

5. Dawladda Puntland waxay gaadiidka badeecadaha u wada gobolada dhexe ee Soomaaliya ( transit goods) ka cafisay lacagta dejinta ee lagu qaadi jirey kastamka Gaalkacayo.

6. Waxay Dawladda Puntland u fududaynaysaa gaadiidka badeecadaha u wada gobolada dhexe ee Soomaaliya
safarka, waxaa reeban in gaadiidka raran lagu xayiro Kastamada Puntland, waana in saraakiisha Kastamada
Puntland si hufan u gutaan waajibaad kooda,wakhtiga shaqada loogu talagalayna ay socoto.

7. Waxaa la isla gartay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii dib loogu furilahaa waddada laamiga ah
ee isku xirta waqooyiga iyo koonfurta
Gaalkacayo.

8. Dhammaan qodobada kor ku xusan waxaa lagu samaynkaraa dib u eegis markii loo baahdo.

Madaxweynaha  Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay is afgaradkani heshiis ayaa sheegay in uu tageerayo, isla maraana ayidayo is afgaradkaasi, waxaana uu Madaxweynuhu si gaara u bogaadiyey qodobada heshiis ee ku saabsan lacagta shili Soomaalig, taasi oo madaxweynuhu ku timaamayu in tacagtani tahay midda keliya ee dalkeenu leeyahay.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa cadeeyey in Puntland diyaar u tahay horumarinta iyo wax wada qabsiga ganacsiga ka dhexeeya Puntland iyo gobolada dhexe ee Soomaaliya, isla markaana ay Dawladda Puntland ka go’an tahay wax ka qabashada caqabad walba oo lid ku ah ganacsiga Puntland iyo gobolada Dhexe.

Ugu Danbayntii, Madaxweynaha ayaa faray, amrayna dhammaan shacabka iyo shaqaalaha maamulka Puntland in siday tahay loo qaato loona dhaqan geliyo qodobada laysla qaatay laykuna af-gartay.

FB_IMG_1502205628240 FB_IMG_1502205624349 FB_IMG_1502205620184 FB_IMG_1502205616345 FB_IMG_1502205611185 FB_IMG_1502205602923 FB_IMG_1502205595068 FB_IMG_1502205555766