Madaxweyne Xaaf iyo Wafdi Dowladda Dhexe oo gaaray Hobyo (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa goordhow caga dhigatay garoonka diyaaradaha degmada Hobyo diyaarad siday wafdi balaaran oo uu hogaaminayey Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Qorsheynta DFS Jamaal Maxamed Xasan , Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/laahi Salaad, Wasiiru dowlaha Howlaha Guud Axmed Qorqoor, Wasiiru dowlaha Arimaha Gudaha Cabdullaahi Faarax, Senator Cabdi Qeybdiid, Xildhibaan Warsame Joodax, Xildhibaan Sadiiq Warfaa, Xildhibaan Xuseen Iidow, iyo masuuliyiin kale.

Garoonka ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha Degmada Hobyo Cabdullaahi Faat, Saraakiil ciidan, Qeybaha Bulshada iyo masuuliyiin kale. Waxaana loo galbiyey halka ay ka dhaceyso munaasabadda wadada hobyo-galkacyo. Waxayna halkaas ka xarig jaray Aargada cusub ee degmada Hobyo.

Wafdiga ka socda dowlad ayaa horey waxaa la filayey inuu hogaamiyo Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, sidoo kale Xalay ayaa waxaa soo baxay wararka sheegaya in Ra’iisulwasare ku xigeenku hogaamin doono, balse waxaa muuqata in Wafdigan darjadiisu ka hooseyso sidii la filayey. waxaana hogaaminayey wasiirka Qorsheynta.

wixii kusoo kordha kala soco Ceelhuur.com