Dad ku dhaawacmay Hoobiyayaal ku dhacay Deg. Warta Nabadda

Wararka Maanta

Illaa Shan Madfac oo Hoobiye ah ayaa lagu soo waramayaa in maanta kusoo dhaceen xaafado ka tirsan degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho, waxaana ay geysteen khasaare dhaawac u badan.

Madaafiicdan ayaa ku dhacay xaafadda Cali Kamiin, Ifka Xalane iyo xaruntii Xibiga oo ay ku jiraan ciidamo ka tirsan Xasilinta oo sugi doona amniga magaalada Muqdisho bisha Ramadan.

Waxyeellada ugu badan ayaa ka dhalatay kadib markii la sheegay in Hoobiye uu ku dhacay guri ay dad isku qoys ah deganaayeen iyadoo dadka dhaawacmay Lix yihiin.

Saraakiisha ammaanka weli kama aanay hadal madaafiicdaan, sidoo kalena maamulka gobolka Banaadir faah faahin ma aanu bixin.

Xigasho: Goobjoog News