Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada-hadal dhinaca qadka telefoonka ah ula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dowladda Suudaan Cabdalla Xamduuk.
Wakaalladda Wararka Suudaan ee SUNA waxay sheegtay inuu Madaxweyne Farmaajo ka tacsideeyey dadkii ku naf waayey Roobabkii mahiigaanka ee ku dhuftay inta badan Goballadda dalka Sudan.
“Muddadii uu socday Wada-hadalka Telefoon, Madaxweyne Farmaajo waxa uu RW Suudan iyo Shacabka dalkaasi ug tacsideyey dadkii ku naf waayey Masiibada Daadadkaasi”ayaa lagu yiri Warka ka soo baxay Wakaalladda Wararka Suudan ee SUNA.
Madaxweyne Farmaajo waxa uu RW Sudan, Cabdalla Xamduuk u xaqiijiyey inay Somalia garab taagan tahay sudan, isla markaana ka tageerayaan Dowladda iyo Shacabka Sudan sidii ay uga gudbi lahaayeen xilliga adag ee ka tan badiyey.
Dhinaca kale, RW Sudan, Cabdalla Xamduuk waxa uu Madaxweyne Farmaajo kaga mahad celiyey Taageeradda uu u muujiyey Reer Suudan ee xilligan adag.
RW Xamduk waxa kale oo uu ka mahadceliyey Go’aankii ay Xukuumadda Federaalka bishan 10-dii ku sheegeen in Muwadiniinta Sudanese-ka ku nool Somlia aan laga qadi doonin Kharajaadka Deganaanshaha iyo haddii ay jiraan Ganaaxyo kale.
Dalka sudan waxa lagu soo rogay 3 bilood oo Xaallad Degdeg ah, si looga hortago daadadka ka dhashay Roobka Mahiigaanka, iyadoo Heerka Biyaha ee Webiga Blue Nile uu sare u kacay markii ugu horeysay ku-dhawaad Hal Qarni.
Ugu yaraan 16 Gobal oo ka mid ah Goballadda dalkaasi ayuu saameeyey Daadku, iyadoo ay ku barakaceen in ka badan 500,000 oo qof,halka ay 102 qof ku geeriyoodeen daadadku ku dhufty dalka Sudan.
Xigasho: Dalsan Radio