Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyey Bandhigga Buugaagta Cadaado

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey Bandhigga Buugaagta Cadaado, Madaxweyanaha ayaa ayaa ammaanay intii soo abaabushay Bandhigay, Cadaado ayaa noqonaysa Magaaladii 5aad ee Bandhig nuucaan ah qabata.

Bandhigan oo socday shalay iyo maanta ayaa galabta lasoo gabangabeynayaa, waxaana ka qeybgalaya Qorayaal iyo Abwaano Soomaaliyeed oo ka kala yimid dunida dacaladeeda. Dhalinyarada iyo Haweenka Cadaado ayaa si aad ah isu xilqaamay marti galinta Bandhigan, Sidoo kale Wasiiru dowlaha Howlaha Guud DFS Axmed Qoorqoor oo maalgaliyey Carwadan Buugaagta Cadaado.