Daawo: Abaanduulaha Xoogga dalka oo Booqday Xarumaha Ciidamada ee ku yaal Magaalada Cadaado

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. Cali Baashi Maxamed Cumar, Taliyaha Midowga Afrika ee AMISOM Jen. Cusmaan Nuur Subagle iyo saraakiil kale ayaa Maanta gaaray magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug.

Ujeeda ay u gaareen magaalada Cadaado ayaa lagu sheegay in ay tahay dardar galinta Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Galgaduud, iyo qiimeynta sidii loo sugi lahaa ammaanka xarumaha doorashada ee magaalada Cadaado.

Saraakiishan ayaa kulan la yeeshay Madaxda Galmudug, iyagoona booqday goobo badan oo ay ka mid yihiin, taliska Qeybta 21-aad, Dugsiga tabarka Booliska, Taliska Nabad suggida, xarunta martida Kafaalo iyo Madaxtooyada Galmudug.

Abaanduulka ayaa ciidanka kula dardaarmay in ay u diyaar garoobay dagaal ka dhan ah kooxaha ka soo horjeeda dowladnimada soomaaliya, iyo sidii loo sugi lahaa amniga ergada shirka doorashada.

Dhanka Jen Cali Baashi ayaa ciidanka ku wareejiyey gadiid dagaal iyo lacag gunno ah, waxaana uuna aad u amaanay qeybta 21-aad oo uu ka muuqday diyaargarow iyo feejignaan dheeri ah.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maalmihii lasoo dhaafay guluf colaadeed , waxa ayna ka wadeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

14218349_10205861894585336_910387959_n 14269851_10205861894625337_1948575321_n 14281587_10205861904225577_520592984_n 14287699_10205861905185601_828273162_n14269768_10205861905625612_334601613_n 14256709_10205861903185551_594015040_n14248935_10205861903705564_1401871604_n 14249010_10205861903865568_1734838105_n 14269494_10205861902505534_22539604_n 14302625_10205861901345505_936055823_n 14302926_10205861902145525_98101850_n14269613_10205861900545485_634209565_n 14269508_10205861900025472_2118929907_n 14256571_10205861900385481_173162262_n14256590_10205861898825442_433997274_n 14248939_10205861899545460_2063857440_n14281541_10205861900945495_568967929_n 14302370_10205861895225352_544851045_n 14287762_10205861896625387_44640423_n

Comments are closed.