Guddoonka labada Aqal Barlamaanka JFS oo Heshiis gaaray

Wararka Maanta

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa caawa kulan socday mudo laba saac ku dhow ku yeeshay Magaaladda Muqdisho.

Kulanka oo ay goob joog ahaayeen guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim ‘’Muudey’’ iyo guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha Aqalka sare Mudane Abshir Axmed Maxamed ‘’Abshhir Bukhaari’’,waxaana ugu dambeyn guddoomiyaha labada aqal oo si wadajir ah warbaahinta ula hadlay uu guddoomiyaha golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu sheegay in shirka laga soo saaray in laga gudbo wixii cabasha ahaa ee labada aqal dhexdooda ahaa islamarkaana dib loo soo celiyo wada shaqeyntii labada Aqal.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhankiisa sheegay in maadaamaa dalka uu doorasho u diyaar garoobaayo islamarkaana labada aqalba ay horyaalaan shuruuc muhiim ah lagu heshiiyay horumarinta iyo dar dar gelinta wada shaqeynta labada dhinac,sidoo kalena la sameeyo xeer hoosaad labada aqal ka dhaxeeya iyo sidoo kale dhisida guddiga adeega baarlamaanka.