Jowhar:Odayaal Nabadayn waday oo xabsi ku jira maalinkii 5ad

Wararka Maanta

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in oday dhaqameedyo u tegey magaalada Jowhar inay ka heshiiyaan colaad u dhexeysay beelo wada dega degmada Cadale in ay maalinkii 5ad ku xiran yihiin saldhiga booliska magaalada Jowhar.

Oday dhaqameedyadan oo la sheegay inay tiradoodu gaareyso 29 ruux ayaa ku guuldareystey inay ka heshiiyaan khilaaf sababay in dad badan oo isugu jira maleeshiyo iyo dad rayid ah ay ku dhintaan boqolaal qoysna ka barakacaan deegaanadooda.

Wararka ayaa sheegaya in markii muddo saddex toddobaad ah ay oday dhaqameedyadan ay isku mari waayeen inay heshiis buuxa ka gaaraan khilaaf salka ku haya lahaanshaha dhul waxa ay ka codsadeen maamulka gobolka Sh/dhexe iyo kan Hirshabelle in la fasaxo oo ay dib ugu laabtaan deegaanadii ay ka yimaadeen maadaama ay heshiis gaari waayeen.

Hase yeeshee maamulka gobolka Sh/dhexe iyo kan Hirshabelle ayaa go’aan ku gaaray in oday dhaqameeyadan aan loo fasixin in ay dib ugu laabtaan deegaanadooda si aysan u bilaaban dagaal beeleedka u dhexeeeya balse xabsi la dhigo inta ay ka gaarayaan heshiis buuxa oo dhab ah.

Ilo ku dhow dhow maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in duqeydan aysan ku jirin xabsiga lagu xiro maxaabiista xukuman iyo kuwa xukun sugayaasha ah balse dhisme gaar ah oo ku dhex yaal saldhiga Booliska magaalada Jowhar ay ku xiran yihiin. Balse oday dhaqameedyada loo sheegay in aysan ka bixi doonin xabsiga illaa ay heshiis ka gaarayaan.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ku saabsan xariga duqey dhaqameedyadan oo ka soo baxay maamulka gobolka Sh/dhexe, kan Hirshabelle iyo dowlada Federalkaba.

Furitaankii shirka lagu heshiisiinayay beelaha wada dega degmada Cadale ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin isugu jirta heer wasiir,xildhibaanada labada aqal iyo oday dhaqameedyo caan ka ah gobolka Sh/dhexe.

 

Jowhar.com